DFS iyo QM oo ka wada hadlay u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta

HomeWararka

DFS iyo QM oo ka wada hadlay u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda, Kuxigeenka Ergeyga ga

Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Daljir Galdogob
Turkiga oo ka hadlay qaraxi xalay ka dhacay Muqdisho
Garaadka Guud ee Gobaladda Sool & Sanaag oo ka hadlay Werarkii Kismaayo (Daawo)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda, Kuxigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna Sarkaalka mas’uulka ka ah Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo dardargelinta barnaamijyada horumarinta iyo bani’aadannimada ee Soomaaliya maadaama abaar daran ee kajirto dalka.

Kulanka intii lagu guda-jiray ayaa lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee horumarada siyaasadeed, amni iyo bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo sidii la isaga kaashan lahaa u gurmashada dadka ay saameeysay abaarta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac ayaa qaramada Midoobay uga mahad celiyay sida ay mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo ka dalbaday inay dardar geliyaan u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: