Dawlada Soomaaliya oo Faah faahisay Hawlgallada ka socda Gobolada Dalka

Dawlada Soomaaliya oo Faah faahisay Hawlgallada ka socda Gobolada Dalka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo ka hadlayay howlgalada ka dhanka Alshabaab & halka ay marayaan ayaa sheegay guulo wax ku ool ah laga gaaray hawlgalladaasi.

Jeneraal Caanood ayaa tilmaamay in guulo Waaweyn laga gaaray howlgalada’ islamarkaana deegaanno badan laga saaray Alshabaab , wuxuuna shaaciyay in amarro la xiriira amniga sida loo xasillinayo ee goobaha la xorreeyay loo jeediyay Ciidamadaa qalabsida & kuwa degaanka .

Afhayeenka ayaa sidoo kale intaas ku daray , in aan la aqbali doonin dad shacab ah oo isticmaalaya Wadooyinkaa mara furumaha dagaalka, taas oo keeni karta in cadawgu ku soo dhex dhuunto dhibna uu ka geysta sida qaraxyadii ka dhacay degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan “ayuu yiri Afhayeenka Wasaaada Gaashaandhigga .

“Waxaa mamnuuc ah in marka goobta lagu dagaalamay la qabto oo amniga la xaqiijiyo, in shacabka iyo gawaarida ka yimaada gobollada kale ay soo maraan goobahaas, taa oo bixin karto sirta ciidanka waa in ciidanku ay sameystaan aagag aan dadka shacabka ah ka soo agdhawaan Karin, lana sugu amniga degaannada cadawga laga xorreeyo “ayuu sidoo kale yiri Afhayeenka.

Ugu dambeeyntii, Afhayeenkaa ayaa sheegay in Ciidamada qalabsidaa & kuwa degaanka la faray in ay muujiyaan Feejignaan si ay ugaa hortagaan shirqoolada & weerarada

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0