HomeUncategorized

Dawlada Puntland oo joojisey shir lagu qaban lahaa Garoowe ( Dhegayso)

Garoowe, Dec 22,Maamulka gobolka Nugaal ayaa joojiyey shir maanta la filayey inuu ka dhaco magaalada Garoowe, kaasoo ay isugu imaanlahaayeen wefdi isugu jiray Nabadoonno iyo wax garad ka socday gobollo ay ka mid yihiin Mudug iyo Barri.

DHEGEYSO-Gudiga doorashada dadban ee heer federal oo kahadlay waxqabadkooda.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo si Adag u Cambaareeyay Dilkii Xildhibaan Aadan Xaaji
(DHAGEYSO) Barnaamijka Caawa & Daljir (Xarunta Gaalkacyo)

?

Garoowe, Dec 22,Maamulka gobolka Nugaal ayaa joojiyey shir maanta la filayey inuu ka dhaco magaalada Garoowe, kaasoo ay isugu imaanlahaayeen ?wefdi isugu jiray Nabadoonno iyo wax garad ?ka socday ?gobollo ay ka mid yihiin ?Mudug iyo Barri.
?
Gudoomiyaha gobolka Nugaal C/Xirsi Cali (Qarjab)ayaa Radio Daljir u sheegey in shirkaas uu ahaa ?mid aan maamulku waxba kala socon, ayna dadkii soo qabanqaabiyey u sheegeen inaan shirkaas lagu qaban doonin ?magaalada Garoowe.
Mudane(Qarjab) ayaa intaas ku daray in qabashada shirarka ay iclaaminkaraan oo kaliya Dawladda Puntland, Xisbiyada iyo Isimada, balse cid kale aan loo ogoleyn in ay shirar ku qabtaan magaalada Garoowe.
?
Dhinaca kale qaar kamida nabadoonadii loo diiday inay qabtaan shirkaas ayaa saxaafadda kula hadlay hoolka shirarka ee New waamo Garoowe, halkaas oo qado loogu sameynayey, waxaana kamid ahaa dadkii halkaas ka hadlay Nabadoon Yaasiin C/samad oo sheegay in maamulka gobolka iyo kan degmada ay kala hadleen ujeedada ay u yimaadeen magaalada Garoowe, taasoo ahayd inay ku qabtaan shir looga arinsanayo ?aayaha Puntland.
?
Nabadoon Yaasiin ayaa socdaalkooda Garoowe ku tilmaamay mid ku salaysan is bedel maamul iyadoo loo marayo qaabkii lagusoo dhisijiray dawladihii ka horreeyey dawladda uu madaxweynaha u yahay C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.
?
Baaqashada shirkaasi la doonayey in lagu qabto magaalada Garoowe ayaa kusoo beegantay ?xilli dhawaan maamulka gobolka Nugaal uu shaaciyey in aan magaalada Garoowe lagu ?qabankarin ?shir aysan dawladdu raali ka ahayn.
?
Cabdi Xassan Rooble Awoowe
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
Garoowe

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: