Danjire Ali Fiqi oo Booqday dhalinyarada ku xiran Xabsiyada Liibya (Sawiro)

HomeWararka

Danjire Ali Fiqi oo Booqday dhalinyarada ku xiran Xabsiyada Liibya (Sawiro)

Dalka Liibiya waxaa ku sugan Wafddi ka socda Dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo danjiraha Soomaaliya ee Yurub Cali Siciid Fiqi. Danjire Ali Fiq

Maxaa looga hadlay shirki golaha wasiiradda DFS?
Warbaahinta ku hadasha afka Ciidmada oo sheegtay in Cali Dheere lagu dhaawacay howlgal ka dhacay Sh/Hoose
Wasiir Cawad: “Somaliland ma ahan dal ka madax bannaan Soomaaliya” (daawo)

Dalka Liibiya waxaa ku sugan Wafddi ka socda Dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo danjiraha Soomaaliya ee Yurub Cali Siciid Fiqi.

Danjire Ali Fiqi iyo Koox la socotay ayaa waxa ay booqdeen Xabsiga Khubz oo ku yaal meel 93 KM u jirta Caasimada Libya ee Tripoli, halkaasi oo ay ku xirnaayeen 83 ruux oo dhalinyaro Gabdho iyo Wiilal isugu jira.

Mid kasta oo ka mid ah dhalinyaradaasi wuxuu la kulmay tacadi ay u gaysteen Kooxaha loo bixiyay Magafayaasha, qaarkood waxa ay ka sheekeynaayay dhacdooyin murugo leh, sida saaxiibadood oo hortooda ku nafbaxay maydkoodana ay ka tageen.

Hadaba iyadoo ay jiraan dhibaatadaasi oo waliba dhalinyaradan hadleysa ay ku jiraan xabsiyo dowladda ay gacanta ku hayso, haddana ma doonayaan in dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo oo mid kasta wuxuu sheegayaa dhibaatadii uu soo maray inuusan dooneyn in dalkiisa dib uu ugu laabto, hadana dhalinyarada ayeey uga digayaan in Libya ay u tahriibaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: