Damaca Madaxtooyada Puntland ee Dalladda bulshada rayidka ah ee PUNSAA (Warbixin)

HomeWararka

Damaca Madaxtooyada Puntland ee Dalladda bulshada rayidka ah ee PUNSAA (Warbixin)

Madaxtooyada Puntland ayaa wada qorshe ay ku faragelinayso Dalladda ay ku midaysan yihiin ururada aan Dawliga ahayn ee Puntland oo magaceeda loosoo ga

Burtinle oo lagu soo dhaweyeey Kabtan Ayuub Cabdirisaaq & Axmed Foodcade
Caawa & Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar, Cadaado (dhegayso)
Warka Caweysin, Deeqo Ladan, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Madaxtooyada Puntland ayaa wada qorshe ay ku faragelinayso Dalladda ay ku midaysan yihiin ururada aan Dawliga ahayn ee Puntland oo magaceeda loosoo gaabiyo PUNSAA, taasoo kulmisa in ka badan 90 Urur bulsho oo ka dhisan Puntland.

Dalladda oo dhowaan la shaaciyey wakhtiga qabsoomida kulanka guud ee golaha dhexe oo dooran doona Hogaan cusub iyo xubnaha fulinta, ayaa wararku sheegayaan in Madaxtooyadu damac ka leedahay doorashada dalladda ee loo madlan yahay todobaadka u danbeeya ee bisha November 2022.

Madaxtooyada Puntland ayaa la sheegayaa inay xubno ka agdhow u xilsaartay fulista doonisteeda kuwaasoo ka shaqaynaya sidii Doorashada Dalladda ee bisha danbe uu ugu soo bixi lahaa qof ay wadato Madaxtooyadda Puntland, iyagoo bilaabay kulamo gaargaar ah oo ay la banaanka kula yeesheen xubnaha ka qaybgalaya shirka golaha guud ee Dalladda si ay uga dhaadhiciyaan fulinta doonistooda.

Guddoomiyaha hadda xilku ka dhamaaday ee PUNSAA Faysal Qaran oo la sheegay inuusan markale isasoo sharixi doonin ayay inbadan kala aragti duwanaayeen Xukuumadda Deni oo dhibsatay Madaxbanaanida Dalladda, waana arinta hadda keentay in Madaxtooyadu samayso iskuday kasta oo qofka PUNSAA Hogaaminaya ku noqon karo mid aan marna ka aragti duwanaan Madaxtooyadda.

Dalladda PUNSAA ayaa door weyn ku leh geeddi socodka Dimuqraadiyadaynta Puntland, waxayna si weyn ugu ololaysaa in Puntland ay ka qabsoonto doorasho dadweyne oo daahfurnaanteeda la hubiyey, faragelin kasta oo Dawli ah oo ku timaada Dalladan, ayaa madmadoow gelinaysa daahfurnaanta Doorashooyinka loo madlan yahay ee golayaasha deegaanka maadaama PUNSAA tahay daneeyaha ugu weyn ee dhanka ururada bulshada rayidka ah.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0