Daladda PUNSA oo Baaq Nabadeed u dirtay Puntland iyo Somaliland

HomeWararka

Daladda PUNSA oo Baaq Nabadeed u dirtay Puntland iyo Somaliland

Dallada PUNSAA ee danyeesha aan dowliga ahayn ee Puntland ayaa ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Fuustada biyaha oo gaartay $300 Bareedo iyo deegaamada hoosyimaada (dhegayso)
JOWHAR: Xildhibaano katirsan baarlamaanka Hirshabelle oo qarax ku dhaawacmay
Baarlamaanka Puntland oo Aqbalay mudo kordhinta uu codsaday madaxweyne Deni (daawo)

Dallada PUNSAA ee danyeesha aan dowliga ahayn ee Puntland ayaa ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

Guddoomiyaha Dalladda PUNSAA Faysal Axmed Warsame ayaa baaq u diray cid kasta oo gacan ka geysan kara joojinta colaada iyo Madaxda maamulada Puntland iyo Somaliland.

Faysal Axmed Warsame ayaa ku baaqay mar kale in colaada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland lagu dhameeyo wadahal isla markaana caqligu shaqeeyo.

….” Colaadu waxay samaysay deegaanka iyo bulshada soomaaliyeed ee wada degta dhulkaas,waxaan qaybaha bulshada ka codsanayaa in ay kaalintooda qataan,iyaoo qofkasta cidii uu kala hadli karo uu kala hadlo joojinta Colaada,Bil Ramadaan weeyey waxaan codsanaynaa in xabada wada hadal lagu badelo oo caqligu shaqeeyo” Faisal Axmed Warsame

Ciidamo ka kala socda Puntland iyo Somaliland ayaa isku horfadhiya deegaanka Tukaraq halkaasoo laga dareemayo xiisad colaadeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: