Dagaalkii maanta ee Dooxada Oodagooye oo filanwaa ku noqday Somaliland iyo Maraaga oo caawa saddex jiho laga soo fadhiistay

Dagaalkii maanta ee Dooxada Oodagooye oo filanwaa ku noqday Somaliland iyo Maraaga oo caawa saddex jiho laga soo fadhiistay

Dagaal ciidamada Somaliland si kedis ah ugu soo qaadeen dooxada Oodagooye ayaa ku soo gabagaboobey si aysan marnaba filayn kaddib markii masaafo dhul ah oo istaraateji ah looga qabsaday.

Saaka 10kii subaxnimo dagaal ka biloowday dooxada Oodagooye ayaa gaadhey fiidnimadii caawa, iyadoo saddex jiho laga soo fadhiistay halka lagu magcaabo Maraaga oo bariga kaga quman magaalada Laascaanood. Dagaalkan oo ahaa kii ugu cuslaa bilihii la soo dhaafay ayaa noqday midkii ugu guusha weynaa, marka laga reebo kii Somaliland lagaga saaray magaalada Laascaanood, ayadoo Ciidamada Difaaca SSC ay fadhiisimo cusub la wareegaan.

Ciidamada Difaaca SSC waxa ay caawa dhinaca bari, dhinaca koonfureed iyo dhinaca galbeedba ka joogaan Maraaga oo ah halka laga difaaco Goojacade oo ah taliska ciidanka Somaliland. Khubarada istaraatajiyada ciidamada ayaa arrinkaas ku macneeyey mid haddii Maraaga ay ka baxdo gacanta Somaliland ay adag tahay siijoogitaankooda Goojacade.

Khasaare dhimadho iyo dhaawac ah ayaa laga diiwaangeliyey isbitaalada magaalada Laascaanood, kuwaas oo ay ku jiraan dad magaalada dhexdeeda hoobiye ku haleelay.

Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in ay Dooxada Oodagooye dab sudheen markii ay halhaleel uga baxayeen.

Saraakiil Somaliland ase aynaan weli magacyadooda weli hubin ayaa ku dhintay dagaalkii maanta, waxaana weli dooxada daadsan maydka askarta Somaliland, sida ay Daljir u sheegeen saraakiil Ciidamada Difaaca SSC, qaar sawiradana la soogaliyey baraha bulshada, laakiin aynaan daawadayaasha Daljir la qaybsan karin.

Maxamed Cali Bile | Daljir Laascaanood

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0