Dagaalkii KAARAAMARDHA, guushii CXD Soomaaliyeed & qorshaha maanta ee RW Abiy Axmed

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Dagaalkii KAARAAMARDHA, guushii CXD Soomaaliyeed & qorshaha maanta ee RW Abiy Axmed

Qaybtii 2aad ee waraysiga Halgamaa Xasan Jabhad Halgamaa Xasan Jabhad waxa uu waraysigan ugu jawaabaya RW Abiy Axmed iyo taalada uu yiri waxaa laga

SHINIILE: QEYBTA 1AAD, WARAYSI KU SAABSAN WAAYIHII NOLOLEED & WAXA UU USOO JOOGAY MID KAMID AH ASKARTII SIYAAD BARE (daawo)
TULI GUULEED, Qamadigii oo baxay, lana goynayo (Sawirro)
MADAXWEYNAHA DDS MUSTAFE CAGJAR OO KA QEYB GALAY TARTANKA KUBADA CAGTA EE 11KA GOBOL (Warbixin)

Qaybtii 2aad ee waraysiga Halgamaa Xasan Jabhad

Halgamaa Xasan Jabhad waxa uu waraysigan ugu jawaabaya RW Abiy Axmed iyo taalada uu yiri waxaa laga dhisayaa buurta Kaaraamardha, looguna “dabaaldegaynaa guushii Kaaraamardha oo aan si dhab ah oo aan leexleexad lahayn uga guuleysanay ciidamadii Soomaaliya ee nagu soo duulay.”

Waxaa kale oo Xasan Jabhad falaanqaynayaa dagaalkii buurta Kaaraamardha iyo aagga Jigjiga iyo sidii ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) oo kaashanaya Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed  ay guulo waaweyn uga gaareen dagaalka, kahor intii ayan Ruushka iyo Kuuba u soo gurman Itoobiya.

Waraysiga Xasan Jabhad kahor, Jabarti Nor oo u jawaabaya RW Abiy Axmed ayaa asna bartiisa Twitterka ku soo qoray ereyo kooban oo ka tarjumaya guushii koobneyd ee Soomaalida iyo sida Soofiyeetka iyo Kuuba ay Soomaali maalinkaas uga hiiliyeen, una hiiliyeen gumeystihii Dergiga.

Jawar Maxamed, hoggaamiyaha qowmiyadda Oromada, asaga oo u jawaabaya Abiy Axmed ayaa asna ku tilmaamay in Abiy uu yahay nin hagaya gumeysi cusub oo gobolka iyo dadka gumeysiga ka xoroobay raba in uu gumeysi dib ugu celiyo.

Hoos ka dhegayso waraysiga HALGAMAA Xasan Jabhad

Diiwaanka wararka

Radio Daljir


Qaybtii 1aad

Dhulballaarsiga Itoobiya, dagaalkii xoreynta Soomaali Galbeed & siyaasadda maanta ee Abiy Axmed (wareysi | dhegayso)

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: