Dagaal khasaare geeystay oo kadhacay gobalka Baay

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaanka Awdiinle oo katirsan Gobolka Baay ku dhexmaray Ciimada Itoobiya ee katirsan howlgalka ATMIS ee loo aqoon jiray (AMISOM) & Xubno katirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Itoobiya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiiaa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in intii uu dagaalka socday ay Ciidamada Itoobiya adeegsadeen madaafiic dhowr ah taas oo uu ka dhashay khasaaro dhaawac ah oo gaaray dad rayid ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in xaaladda degaanka Awdiinle ay tahay isla markaana Goobtii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya, kuwaas oo mararka qaar howlgallo sameeya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0