Dagaal ay Dad ku dhintay oo ka dhacay deegaanka Buuraancad oo u dhaw degmada Caabudwaaq

HomeWararka

Dagaal ay Dad ku dhintay oo ka dhacay deegaanka Buuraancad oo u dhaw degmada Caabudwaaq

Meel 40km jirta cWaaq, ugana beegan dhanka Galbeed oo lagu magacaabo Booraancad, saaka waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada Liyuu booliska ee d

Todobaadtan Caruura oo isugu jira Danyarta iyo Agoomaha Degmada burtinle oo la Ciidsiiyey
CAAWA IYO DALJIR CABDIFATAAX CUMAR GEEDI
Maanhadal: Ismaandhaafka Siyaasadeed ee DFS iyo Dowlad Goboleeldyada iyo Siyaasadda Sacuudiga & Imaaraadka (dhegayso)
Meel 40km jirta cWaaq, ugana beegan dhanka Galbeed oo lagu magacaabo Booraancad, saaka waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada Liyuu booliska ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyo dadka shacabka ah deegaanka.
Khasaaraha dhabta ah  ee dagalkaas warar kala duwan ayaa ka soo baxaya, waxaana jira khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo ka dhashay dagaalkaasi.
Dad kala duwan oo uu la xiriiray Radio Daljir, kuna sugan meelo aan ka durugsanayn deegaanka Booraancad ee dagaalku uu ka dhacay ayaa noo sheegay in ay jiraan inta la hubo dhimashada saddex ruux oo dadka deegaanka ah, dhaawucuna uu intaas ka badanyahay, hase ahaatee tirada dhimasho iyo midda dhaawac aad ayaa loo badinayaa.
Magaalada cWaaq oo laga dareemayo saxmadda ka dhalatay dagaalkaasi ka dhacay Booraancad, ayaa la soo gaarsiiyey dhaawaca illaa 3 ruux oo dagaalkaasi ku waxyeeloobay.
Xiisadda ayaa weli taagan, mana jirto illaa hadda xal waanwaaneed oo loo weelqaaday.
Ma ahan markii koowaad oo sidaan oo kale ay iskugu dhacaan dadka shacabka ah ee deggan deegaannada xudduudda yaalla iyo ciidamada Liyuu booliska.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: