HomeUncategorized

Cutub ka tirsan ciidanka badda ee Puntland oo tababar u xirmay maanta [Taswiir].

Bossaso, 29 Nov ? M/weyne ku xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire ayaa maanta tababar u soo xiray cutub ka tirsan ciidamada badda ee Puntland ku

Ibrahim Mahdi Buubaa, mudane ka tirsan baarlamaanka Somaliland oo aan waraysanay. [Dhegaysi …]
Baarlamanka federaalka oo sheegay in ay meel-mariyeen howlo muhiim u ah dalka sanad kadib
Markab Dhuxul siday oo muddo u afduubnaa burcadbadeed oo ku gubtay Xarardheere.

Bossaso, 29 Nov ? M/weyne ku xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire ayaa maanta tababar u soo xiray cutub ka tirsan ciidamada badda ee Puntland kuwaas oo muddo tababar ku qaadanayey xerada ciidanka badda ee ku taal duleedka galbeed ee magaalada Bossaso; waa dufcadii ugu horaysay ee ka baxda kulliyada tababarka ciidanka badda ee Puntland.

Gen. Shire oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Puntland ay hawlgaliso ciidan noocaan ah, ayna ciidankani wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka burcad badeedda, tahriibta iyo maraakiibta shisheeye ee kalluumaysiga sharci darrada ah ka wada xeebaha Somaliya, gaar ahaan Puntland.

Kani waxaa uu qayb ka yahay qorshaha amniga ee ay dawlaha Puntland ugu talogashay ka hortaga iyo la dagaalanka burcad badeeda aafaysay xeebaha badweyna Hindiya iyo Badda Cas ee Somaliya.

Ciidanka ayaa loo tababaray adeegsiga qalabka casriga ah ee lagu ilaaliyo badda, lagulana dagaalamo burcad badeeda. Ciidanku waxaa ay saldhigyo ilaalo ka samaysan doonaan xeebta dheer ee gobollada Puntland, gaar ahaan gobollada Bari & Mudug oo ah gobollo u nuglaaday burcad badeeda, tahriibka, iyo falal dabmiyeedyada kale ee ay ka mid yihiin kalluumaysiga sharci darrada ah ee sharikaadka ajaanibta ahi ay ku hayaan xeebaha Somaliya, iyo qubitaanka haraadiga qashinka kiimikada ee sharikaadka ajaanibtu ay ku qubaan xeebaha Somaliya.

Ciidanka tababarka dhamaystay ayaa soo bandhigay farsamo ciidan, asluub iyo gaardi ay la dhaceen madaxda xafladdaasi ka qaybgashay, iyadoo intaasi ka dibna M/weyne ku xigeenku uu shahaado sharaf guddoonsiiyey qaar ka mid ah ciidankaasi.

Xafladda xiritaanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirada Amniga Gen. Yuusuf Axmed Khayr, iyo Dekedaha Siciid Maxamed Raage; maamulka gobolka Bari, kan magaalada Bossaso iyo saraakiisha ciidanka ayaa iyana goobjoog ahaa.

A/Naasir Max?ud Xassan
Radio Daljir http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: