CIIDANKA OROMIYA OO WEERAR KU QAADAY XERADA BARAKACAYAASHA QOLOJI IYO JIGJIGA OO KORANTADII LAGA JARAY,

HomeWararka

CIIDANKA OROMIYA OO WEERAR KU QAADAY XERADA BARAKACAYAASHA QOLOJI IYO JIGJIGA OO KORANTADII LAGA JARAY,

Ciidamada Liyuu booliska Kililka Oromada ayaa saaka waabarigii waxay weerar qorshaysan kusoo qaadeen xerada barakacayaasha ee Qoloji ee Dagmada Baabil

Caawa & Daljir iyo Jamaal Faarax Aadan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Nairobi oo siweyn looga Ciiday Maanta
Puntland: Shacabka oo awaamiir adag lagu soo rogay

Ciidamada Liyuu booliska Kililka Oromada ayaa saaka waabarigii waxay weerar qorshaysan kusoo qaadeen xerada barakacayaasha ee Qoloji ee Dagmada Baabili ee Gobolka Faafan,

Qaar kamid ah Ciidanka Booliska Soomaalida oo kusugnaa Barta kantarolka Qoloji ayaa iska caabin xoogleh kala hortagay Ciidamada Kililka Oromada ee kusoo duulay dhulka iyo shacabka Dawladda Deegaanka Soomaalida,
Dad shacab ah oo kamid ah barakacayaasha kunool Xerada Qoloji ayaa dhaawac kasoo gaadhay rasaastii ay adeegsanayeen Ciidamada Kililka Oromadu,

Shacabka barakacayaasha ayaa ah intii kasoo hadhay dadkii Soomaalida ee Oromadu horay ugu xasuuqday xuduudaha oo dib udajin loogu sameeyey Xerada Qoloji oo haatana Oromadu wali dabosocoto,

Jigjiga iyo magaalooyinka kale ee Deegaanka soomaalida ayaa gabi ahaanba laga jaray korantadii, waxaana la xaqiininayaa in fiilooyinkii korantada ee soo dhexmarayey Deegaanka Oromada ay dhexda ka jareen.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: