HomeUncategorized

Ciidanka AMISOM iyo Alshabaab oo ku dagaalamay degmada Qoryooley.

Qoryooley, July 18 2016-Wararkii ugu dambeeyey ee aan saaka helayno ayaa sheegaya in saaka ay degan tahay xaaladda degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose oo ay ku dagaalameen AMISOM iyo Alshabaab.

DHEGEYSO-Wajigii Labaad ee howlgalka Danab oo Garoowe kasocda.
DHAGAYSO: Barnaamijkii Caawa iyo Daljir _Khamis_24
Dhallinyarada Xilligan ka Tahriibaya Hargeysa oo Maraya Heerkii ugu Sarreeyey.

Qoryooley, July 18 2016-Wararkii ugu dambeeyey ee aan saaka helayno ayaa sheegaya in saaka ay degan tahay xaaladda degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose oo ay ku dagaalameen AMISOM iyo Alshabaab.

Degmada Qoryooley ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ka bilowday dagaal u dhexeeya Alshabaab iyo AMISOM kadib markii ay halkaasi lawareegeen maleyshiyaad katirsan ururka Alshabaab.

Goob joogayaal kusugan Qoryooley ayaa sheegay in dagaalku uu bilowday kadib markii ay ciidamada AMISOM duulaan culus ku soo qaadeen magaalada Qoryooley oo ay saacado kahor xilligaas qabsadeen maleyshiyaadka Alshabaab.

Ilaa hadda khasaaraha kadhashay dagaalkaasi labada dhinac kama aysan hadlin laakiin waxaa lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare culus, maadaama dagaalka uu ahaa mid xalay laysla gaarey.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: