Ciidamo Milateri oo qarax miino lagula eegtay duleedka Muqdisho

HomeWararka

Ciidamo Milateri oo qarax miino lagula eegtay duleedka Muqdisho

Qarax xooggan ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka KM13 ee duleedka Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay degmooyinka Deyniile, Kaxda iyo qeyb

Madaxweyne Xasan “Nin Isbaaro lagu soo qabtay oo Qaadicu Dariiq ah qof igu imaan karo malahan”
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ka qayb galay Munaasabad lagu xusayeey sanadguuradii 60-aad
Siciid Muumin:”Dowladda Puntland waa in ay caddeyso cidda leh mas’uuliyadda xadgudubyada ka dhacay Boosaaso” (daawo)

Qarax xooggan ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka KM13 ee duleedka Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay degmooyinka Deyniile, Kaxda iyo qeybo kamid ah Dharkeenleey.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca soo boodada ayaa la dhigay wadada dhineceeda, iyadoo lala eegtay laba gaari oo Cabdi Bile ah, kuwaasoo ku soo jeeday magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka yimid dhinaca degmada Afgooye.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa sheegay in qaraxa uu sababay dhaawaca Saddex askari oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, iyagoo meesha ka saaray inuu jiro wax dhimasho ah oo gaartay Ciidanka oo xilliga la beegsanayay si tartiib ah ku socday maadaama wadada mashquulkeeda uu badnaa.

Qof ka mid ah dadka ka agdhawaa deegaanka KM13 oo ah halka Miinada ay ka kacday ayaa sheegay in askarta saarneyd gawaarida la beegsaday ee qaraxa ka badbaaday ay rasaas dhowr jiho u fureen, lamana soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: