Ciidamada NISA oo Xabsiga u taxaabtay guddoonka rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

HomeWararka

Ciidamada NISA oo Xabsiga u taxaabtay guddoonka rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

Ciidamada NISA ayaa galabta xiray Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo kuxigeenkisa, kaddib markii ay dhowaan soo baxday warar sheegaya i

Shir dib-u-dejinta barakacayaasha Dowlad Deegaanka oo ka qabsoomay Xafiiska Madaxweynaha
Muqdisho: Maalinta Qaaxadda Aduunka oo la xusay & Masuuliyiin ka qayb gashay
Madaxweynaha Puntland oo Guddi u saaray wax ka qabashada saameynta Abaaraha

Ciidamada NISA ayaa galabta xiray Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo kuxigeenkisa, kaddib markii ay dhowaan soo baxday warar sheegaya in magacaabiddiisa ay kaalin ku laheyd Al-Shabaab.

NISA ayaa sheegaya in in Axmed C/llaahi Xasan oo ahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo kuxigeenkiisa Axmed Jimcaale la xiray, kuwaasoo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Arrintan ayaa aheyd mid layaab laheyd in markii u horeysay Al-Shabaab, kaalin ama xubno rasmi ku yeeshaan Rugta Ganacsiga, iyadoo horay u jirtay in Al-Shabaab canshuuro ka qaadayeen Ganacsatada Muqdisho iyo alaabaha ka soo dega Dekeda Muqdisho.

Hey’adda NISA ayaa muddooyinkii u dambeeyay qaaday tallaabooyin wax ku ool ah amniga Caasimadda, waxaana jiray howlgalo lagu soo qabtay dad lagu tuhmayo Al-Shabaab iyo kuwo falal amni lid kubah faraha kula jiray, tan iyo is bedelkii hey’adda ku dhacay iyo Hoggaanka cusub ee NISA ayaa waxaa soo kordhayay in dib u soo laabtay maqaamkii hey’adda iyo awooddii ay hey’adda u laheyd  dhanka amni sugida iyo xuuraanka, waxaana la howlgeliyay ciidamo qarsoon oo dhar cad ah, iyadoo meesha laga saaray ciidankii hubeysnaa ee muuqday, waxaana tallaabadaas ay horseed u noqotay mira dhalka howlgalo lagu sugay Amniga magaalada, waxaana inta badan yaraaday falalka khaarijinta ragga bastooladleyda ku ugaarsan jireen dadka kala duwan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: