Ciidamada Mareykanka oo lagu weeraray Suuriya

HomeWararka

Ciidamada Mareykanka oo lagu weeraray Suuriya

Ciidamo katirsan Mareykanka ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo kadhacay waqooyiga dalka Suuriya, kaasi oo ay masuuliyaddiisa ay sheegatay kooxda

GUDOOMIYAHA QURBAJOOGTA BEESHA GADABUURSI EE QAARADA YURUB
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil” Arimaha doorshada Puntland talla si mideeysan ayaa looga gudbayaa
Taalibaan oo lagu eedeeyay in gabdhaha suxufiyiinta ah ay ka saareyso saxaafadda Afghanistan

Ciidamo katirsan Mareykanka ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo kadhacay waqooyiga dalka Suuriya, kaasi oo ay masuuliyaddiisa ay sheegatay kooxda isku magacowday khilaafada Islaamka.

War kasoo baxay Kooxda ayaa lagu sheegay inay jaakadaha nooca  qarxa ay ku weerareen ciidamo katirsan Mareykanka oo ku wareegayay magaalada Kurtiga ay haystaan ee Manbiij, gaar ahaana goob laga cunteeyo.

Laba ka mid ah ciidamada Mareykanka iyo shaqaalle rayid ah oo ka howlgala wasaaradda gaashaandigga Mareykanka uyo qandaraasle ayaa lagu dilay weerarka, sida uu sheegay sarkaal u hadlay ciidmada Mareykanka, isagoona kudaray sadex askari in weerarka ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Mareykanka ayaa u jooga magaalada Manbij si’ay u taageeraan kooxda Kurdiyiinta iyo xoogga carabta ee dagaalka kula jira Daacish.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: