Ciidamada Dowladda oo burburiyay Gaari Qarax siday

Ciidamada Dowladda oo  burburiyay Gaari Qarax siday

Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellada hoose ku gubay Gaari Qarax siday.

Taliska ayaa sheegay in gaari ay lahaayeen Al-Shabaab oo la doonayay in lagu dhibaato Shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka oo dhacay saaka Barqadii ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa in lagu bur buriyo Fariisimo ay lahaayeen Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgal hogaamineysa ayaa u sheegay Warbaahinta in howlgalka qorshihiisu ahaa in laga hortago isku dayga Al-Shabaab oo gaari Saruf ah ku soo rarary qarax isla markaana doonayay in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho si dad shacabka ah ee Sooman ay ku dhibaateeyaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0