HomeUncategorized

Ciidamada badda Puntland oo rajo ka muujiyay soofurashada markabka Icerberg1 ee lagu haysto xeebta Garacad

Garacad, Dec 17 - Taliyaha ciidamada badda ee Puntland ayaa ka hadlay halka uu marayo howlgal lagu soo furanayo markab kooxo burcadbadeed ah ay ku haystaan xeebta deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

4 qof oo ka tirsan bulshada riyid-ka ah ee ku nool magaalada Dhuusomareeb ayaa ku dhaawac-may dagaal saacado qaatay oo galabta ka qarxay dagmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Gal-gaduud.
Wasaarada Waxbarashada puntland oo soo bandhigtay gabdho loo helay deeq waxbarasho jaamacadeed.
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida _Sabti_17

Garacad, Dec 17 – Taliyaha ciidamada badda ee Puntland ayaa ka hadlay halka uu marayo howlgal lagu soo furanayo markab kooxo burcadbadeed ah ay ku haystaan xeebta deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Gen. Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo waraysi siiyay radio Daljir ayaa sheegay inay ku rajo wayihiin soo furashada markabka Iceberg1 oo lagu haysto xeebta deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Waxaa uu sheegay ciidamadu inay ku hareeraysanyihiin markabka iyo burcadbadeeda saaran, iyadoo iskahorimaadyo dhowr jeer oo hore dhexmaray lagu qabtay qayb ka mid ah burcadbadeed oo weerar dhinaca beriga uga soo qaaday ciidamada badda ee Puntland.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu taliyuhu beeniyay eedayn uga yimid mid ka mid ah burcadbadeeda markabka saaran oo ahayd ciidamadu inay lacago ka heleen shirkadda markabka iska leh si markabka ay xoog uga soo furtaan, waxaana taliyuhu uu sheegay eedayntaasi inaysan waxba ka jirin.

Ciidamada badda ee Puntland ayaa dhowaan weeraray kooxo burcadbadeed ah oo haysta markabka Iceberg1 oo laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta. waxaana saaran? 24- shaqaale oo u kala dhashay Yemen, India, Ghana, Pakistan iyo Philibiin.

Warar burcadbadeeda laga helayo ayaa sheegaya laba ka mid ah shaqaalaha markabka inay ku dhinteen howlgalka
?

Diiwaanka wararka

Daljir Bossaso.

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: