HomeUncategorized

Cidii Jabisa Heshiiskii Muqdisho lagu Gaaray oo loo Digay

Arbaco, Oktoobar 21, 2015 (Daljir) —Dowladda Fadaraalka ayaa sheegtay inaysan udul qaadanayn cidii ka hortimaada qodobadii kasoo baxay shirkii wada tashiga Soomaaliya oo looga hadlayey doorashada’islamarkaana Muqdisho shalay galab lagu soo gaba gabeeyey.

Dagaalkii Sool-joogto oo joogsaday iyo ciidamada deegaanka Buuhoodle guulo ka sheegtay.
Baahin: Salaasa, Mar 13, Maxamed C. Kooshin ~ Daljir ~ Garowe. Gaagaab oo sharci darro ku tilmaamay ergada 480-ka ee ansixinaysa dastuurka Puntland, ugana digay M/weyne Faroole xilli kororsi; Khaatumo oo beenisay in dawlada federaalku ay aqoonsiga kaala laabatay; AMISOM oo sheegtay in ay Al-shabaab ka xorayn doonaan Somaliya oo dhan; Wasaarada qorshaynta ee Puntland oo soo bandhigtay waxqabadka Puntland ee sannadahan dambe.
Hay’adda daryeelka bulshada Puntland oo kormeertay naafadda Garoowe

Arbaco, Oktoobar 21, 2015 (Daljir) —Dowladda Fadaraalka ayaa sheegtay inaysan udul qaadanayn cidii ka hortimaada qodobadii kasoo baxay shirkii wada tashiga Soomaaliya oo looga hadlayey doorashada’islamarkaana Muqdisho shalay galab lagu soo gaba gabeeyey.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Fedaraalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa sheegay in dowladdu aysan aqbalayn cidkasta oo ka hortimaada qodobadii kasoo baxay shirka.

Waxaa uuna sheegay in xubnihii shirka ka qayb galay ku heshiiyeen in meel looga soo wada jeesto cidii carqaladaysa qodobadii shirka ka soo baxay’isago tilmaamay in xiligaan aan dib loogu laaban is qab qabsi.

Wasiirka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in lays waydiiyo qaabkii loo qaban laha doorashada’waxa uu hadalkiisa ku daray in shacabka talo laga siin doono siday u arkaan in loo qabto doorashada.

Qurba joogta ayuu carabaabay inay muhiim tahay in la tashi laga la sameeyo qaabkay isleeyihiin doorasho waa loo qaban karaa sanadka 2016.

Shirkii qodobada kasoo baxay  waxaa kamid ahaa in shacabka Caasumadaha maamul goboleedyada talo laga siiyo doorashada iyo fikir ahaan siday u arkaan in loo qaban karo’Waxaa kalo kamid ah in doorashada lagu saleeyo 18kii gobol ee ka horeeyey bur burka iyo 92dii degmo.

Majirin qo’aan cad oo laga soo saaray Shirka oo ku salaysan qaabkay udhici lahayd doorashada 2016′hase yeeshe waxaa loo balamay dhamaadka sanadkaan in layskugu yimaado shir lagu go’aaminayo qaabkii lagu wajihi lahaa doorashada 2016.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: