Cabdiraxmaan Cabdishakuur; “Rooble waxa uu qaaday tallaabo uu ugu hiiliyay sareeynta sharciga”

HomeWararka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur; “Rooble waxa uu qaaday tallaabo uu ugu hiiliyay sareeynta sharciga”

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne ayaa soo dhoweeyay xil ka qaadista lagu sameeyay Labo sarkaal oo ka tirsanaa Hay’adda Nabad Sugi

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qasriga Madaxtooyada ku Qaabilay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey
Caawa & Daljir iyo Axmed Sheekh Maxamed ‘Tallman’, Daljir Bossaso (dhegayso)
Alshabaab oo Xalay Weraray Degmadda Afgooye

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne ayaa soo dhoweeyay xil ka qaadista lagu sameeyay Labo sarkaal oo ka tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay tallaabada uu qaaday ra’iisul wasaare Rooble inay tahay mid u hiilineysa sareyenta sharciga.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ku sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in sarkaal ka tirsanaa nabadsugida uu ka awood badnaa mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha Aden Cadde.

Halkan hoose ka aqriso Qoraalka uu soo dhigey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Bartiisa Facebook.

“Waa ku mahadsanyahay RW Rooble tillaabada uu ugu hiilliyay sarreynta sharciga. Sharciga oo lagu tuntaa waxey macna tirtaa dowladnimada. Agaasimahii hay’adda socdaalka, maareeyihii iyo taliyihii garoonka waxaa ka awood badnaa wiil ka tirsan hay’adda Nabadsugidda.

Waxaa muuqata in Taliyihii ciidanka xoogga iyo booliska ay fuliyeen amarkii Raysalwasaaraha. Waxay dibadda ka tageen siyaasadda iyo arrimaha doorashada, laakiin taliyihii Nabadsugidda wuxuu si awood sheegasho leh ugu lug lahaa siyaasadda iyo doorashooyinka.

Labo kaar oo jaale ah ayaa maanta loo taagay. Waa dhici kartaa in uu edboonaado, waxayse u badantahay in isaga iyo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ay dagaal rogaal celin ah soo qaadaan. RW Rooble in aad sharciga ku adkaysato ayaa lagaa rabaa, sababtoo ah in badan ayaad u sabartay takrifalka Farmaajo iyo Fahad.”

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: