C/raxmaan C/shakuur “indhaha Soomaalida oo dhan waxay ku jeedaan tallaabada uu qaado Ra’iisul Wasaare Rooble”

HomeWararka

C/raxmaan C/shakuur “indhaha Soomaalida oo dhan waxay ku jeedaan tallaabada uu qaado Ra’iisul Wasaare Rooble”

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxa uu ku dhaliilay Hay’ada nabadsugida sida ay soo bandhig

Caawa & Daljir iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda Hirshabeelle.
Warka Fiidnimo iyo Xasan Baashi (dhegayso)

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxa uu ku dhaliilay Hay’ada nabadsugida sida ay soo bandhigtay kiiska Ikraan Tahliil isagoo qoraalkisana ku sheegay inaysan dilin Ikraan Alshabaab ee loo saarinayo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay ra’isul wasaare Rooble inuu xilka ka qaado taliyaha nabadsugida isla markaana hakiyo dhaqdhaqaaqiisa guddina u magacaabo kiiska Ikraan.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu soo saaray;

Maangal ma aha in Ikraan Tahliil oo in ka badan labo bil la waysanaa maanta Al-Shabaab loo saariyo. Al-Shabaab dad dila am qarxiya waa la arkay, laakiin horay uma dhic in Al-Shabaab saraakiil nabadsugid ah ka dhex qafaashaan xarumaha dowladda. Waxaase yaab leh in NISA aysan ka warqabin afduubka Ikraan, laakiin ay dilkeeda ogtahay.

Tani waxay caddeyn u tahay wadashaqaynta hay’adda Nabadsugida iyo Al-Shabaab. Waxay kaloo digniin culus u tahay in aysan jirin cid caawa ka badqabta in ay gacanta Al-Shabaab gasho ama xarumaha Dowladda loogu yimaado. Waxaa kaloo iyadana akhlaaq xumo ah in kiis miisaankaas leh looga hadlo fariin facebook lagu soo daabacay.

Maadaama uu masuuliyada dalka, gaar ahaan Amniga uu masuul ka yahay, caawa indhaha Soomaalida oo dhami waxay ku jeedaan tillaabada uu qaado Raysalwasaare Rooble. Waxaan u soo jeedinayaa

1- In uu la fariisto, jawaab u qalanta siiyo waalidka Ikraam Tahliil.
2- In uu badbaadiyo kalsoonida iyo aaminka lagu qabo Hay’adda Nabadsugidda.
3- Si taas u dhacdana waa in uu xilka ka qaado taliyaha Nabadsugidda, lana baaro kaalinta uu arrinkaan ku lahaa, lana xannibo dhaqdhaqaaqiisa inta uu baaritaanka socdo.
4- In Baaritaanka uu sameeyo guddi khubaro oo si toos ah xafiiska RW u hoos taga, si maalinle ahna ugu warbixiya.

Allaha u naxariisto Ikraam, ehelkeedana sabar iyo iimaan Allaha ka siiyo. Waan la damqaneynaa ehelka Ikraan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: