Boqor Buurmadow oo laga siidaayay xabsiga Hargaysa

Boqor Buurmadow oo laga siidaayay xabsiga Hargaysa

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah hogaamiyeyaasha dhaqanka ee Somaliland oo la xiray habeenimadii Khamiista ee lasoo dhaafay, kadib markii ay hoygiisa ugu galeen ciidamada booliska ee Somaliland ayaa maanta la siidaayay.

Sida ay llo xog ogaal ah ay u sheegeen radio Daljir Boqor Cismaan Buurmadow ayaa lagu siidaayay qaab damaanad ah.

Boqorka ayaa loo xiray hadalo uu ka jeediyay degmada Carmo ee gobolka Bari, oo ahaa in ciidamada Somaliland iyo Puntland ee isku horfadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool la kala qaado.

Somaliland ayaa ku eedaysay waxa ay ugu yeertay hadalo qaranka kasoo horjeeda inuu boqorka uu ku dhawaaqay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0