Booliska oo Muqdisho ku qabtay rag lagu tuhmayo Burcadnimo & Agab ay wateen

HomeWararka

Booliska oo Muqdisho ku qabtay rag lagu tuhmayo Burcadnimo & Agab ay wateen

Ciidamada Booliska qeybta Guud ee Gobolka Banaadir, kuwa Jagboontiyada guur guura oo ay wehlinayeen Ciidamada booliska sida gaarka ah u tababaran ee H

Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Marwo Caasha Geelle Diiriye: “Puntland ma aha afarta qof ee mucaaradka ah ee hubaysan”
Bangiga Horumarinta Afrika oo Soomaaliya ka cafiyay deyntii uu ku lahaa

Ciidamada Booliska qeybta Guud ee Gobolka Banaadir, kuwa Jagboontiyada guur guura oo ay wehlinayeen Ciidamada booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa howlgallo guri guri ah xalay ka sameeyay xaafado katirsan degmada Hodan ee Gobolka Baaadir.

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen taliye kuxigeenka qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahadalle, taliyeyaasha qeybta Waliyow cadde & Guddoomiyaha degmada Hodan ayaa waxaa laga sameeyay Xaafadaha Soonakeey & Jaamacadaha, iyada oo lagu soo qabtay rag badan oo lagu tuhmayo burcadnimo iyo Agab mindiyo u badan oo ay wateen.

Taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahadalle ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid looga hortegayay falalka Amni darrada ah oo ay ugu horreeyso burcadda, Isla markaana dadka howlgalka lagu soo qabtay sharciga la horgeyn doono.

Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdifitaax Xayir Ciise oo dhankiisa hadlay wuxuu sheegay in howlgalka intiisa badan lagu baadi goobayay Ciyaal weerada oo dhibaato ku haaya Shacabka, isaga oo adkeeyay in Maamulka degmada ay laamaha Amniga kala Shaqeeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa Amniga Guud ee degmada iyo degmooyinka ku dhow dhow.

Ciidmada Booliska Soomaaliya ayaa Habeenadii la soo dhaafay howlgallo joogto ah ka sameeynayay degmooyinka Gobolka Banaadir, iyaga oo uga hortagaya Kooxaha burcadda ah ee dhaca u geysanaya Shacabka iyo Ciyaal weerada

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: