Beesha Caalamka oo soo dhaweysay shirka DFS & dowlad gobaleedyada

HomeWararka

Beesha Caalamka oo soo dhaweysay shirka DFS & dowlad gobaleedyada

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gogoleedyada iyo maamulka gob

Ciyaartooydii Koonfur galbeed oo shalay la dhaawacay & Dowladda oo ka haddashay
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Garoowe (dhegayso)
Booliiska gobolka Banaadir oo soo xiray nin loo haysto inuu tacaddiyo u geystay gabadh dallinyaro ah

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gogoleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Wadamada Saaxiibada la ah Soomaaliya waxa ay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ku bogaadinayaan ka-qaybgalka shirarkan muhiimka ah ee ka socda Muqdisho.

“Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Beesha Caalamka.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Beesha Caalamku ay rajeynayaan in saamilayda siyaasadeed ee kale ee Soomaaliyeed ee muhiimka ah sidoo kale lala tashan doono, inta wadahadalladu horay usii siqayaan, si loo ballaariyo taageerada loo hayo heshiiska iyo hirgelintiisaba.

Saaxiibada caalamku waxay ka codsanayaan madaxda Soomaaliya inay waxqabadkooda ku hagaan danta qaranka iyo himilooyinka dimoqoraadiyadeed ee dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin marxaladdan taariikhiga ah.

Diwaanka wararka
Radio Daljirw

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: