Beesha Caalamka oo ku baaqday in si degdeg ah loo bilaabo  doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose

HomeWararka

Beesha Caalamka oo ku baaqday in si degdeg ah loo bilaabo doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose

War kasoo beesha Caalamka ayaa siddaan u qornaa: Saaxiibada caalamku waxa ay aad uga walaacsan yihiin dib u dhacyada joogtada ah ee ku yimi hannaan

TALOKEEN: Talooyinka ku saabsan Gurmadka Qardho &Fatahaadaha (dhegayso)
Warka Fiidnimo, Cumar Lakiman, Daljir Cabudwaaq (dhegayso)
Shirka iskaashiga Galmudug iyo Puntland oo maanta ka qabsoomay Gaalkacyo (Sawiro)

War kasoo beesha Caalamka ayaa siddaan u qornaa:

Saaxiibada caalamku waxa ay aad uga walaacsan yihiin dib u dhacyada joogtada ah ee ku yimi hannaanka doorashada Soomaaliya. Iyadoo dhawaan ay bilaabatay hannaanka codeynta ee Golaha Shacabka ayaa ah horumar wanaagsan, haddana jadwalka doorashada ayaa ah mid dib u dhac weyn ku yimid waqtigii loogu talagalay, waxaana loo baahan yahay in la dardargeliyo.

Waxaan ku boorineynaa madaxda heer qaran iyo heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo hay’adaha maareynta doorashada inay si dhaqso ah ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorashada Golaha Shacabka ee loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo ka hor dhammaadka 2021, iyadoo la ixtiraamayo qoondada ugu yar ee boqolkiiba 30 ee haweenka. Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa maamulka Galmudug inay si deg deg ah u doortaan labada kursi ee harsan si loo dhameystiro hannaanka doorashada Aqalka Sare.

Saaxiibada caalamku waxay xuseen in dhawaan lagu dhawaaqay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha. Waxaan u soo jeedinaynaa labada hoggaamiye inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshiiyey, dibna ay diiradda u saaraan mudnaanta qaranka, gaar ahaan dhammaystirka hannaanka doorashada.

Saaxiibada caalamku waxay mar labaad ku baaqayaan in si buuxda oo degdeg ah loo fuliyo heshiisyada 17 Sebtembar 2020 iyo 27ka Meey 2021.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: