Barlamaanka Somaaliya oo Maanta Hakiyaay Kulamadii Guud

HomeWararka

Barlamaanka Somaaliya oo Maanta Hakiyaay Kulamadii Guud

Kalanka Maanta MudanayaAsha Golaha Shacabka ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ayaa Waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane

Caawa & Daljir iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Wasaarada Cafimaadka Puntland oo Degaanadda Puntland kawadda Kahortagida Xanuunada (dhegayso)
Dowladda Federaalka oo Wafdi u dirtay Shir ka furmaya Imaaaradka (Sawiro)

Kalanka Maanta MudanayaAsha Golaha Shacabka ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ayaa Waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana kulan soo xaadiray mudanayaal tiradoodu ay gaareyso 173 Mudane.

Ajendayaasha xubnaha golaha shacabka ee maanta ayaa kala ahaa

Soo bandhigidda Warbixinta Guddiga Dastuurka ee BFS

Warbixinta Guud ee Howlqabadka Kalfadhiga 2-aad ee Golaaha Shacabka

Hadaljeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka u abbaaran Hakinta Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Shacabka, waxaana Mudanayasha loo qeybiyay

Ajendayaasha kulankii maanta, iyadoo kulanka warbixin ay ka jeediyeen Guddiga Dastuurka oo ka hadlay halka uu marayo Arrimaha Dastuurka.

intaas kadib ayaa waxaa mudanayaasha Golaha Shacabka loo qeybiyay Warbixinnadii iyo waxyaabihii u qabsoomay inta lagu guda jiray kalfadhiga 2-aad ee golaha Shacabka, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaan galay fasax 2 bil ah iyagoo dib u soo laaban doona bisha Maarso sanadka cusub.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa hadal jeedin ka hor sameeyay Xildhibanada hortooda asagoo uga mahad celiayay Sahqadii ay soo qabteen sidoo kalena ku booriyay in la dar dargaliyo Howlaha kale ee horyaalla.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: