
November 07, 2015 (Daljir) — Guddiga loo saaray doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa maanta warbaahinta u sheegay xilliga ay qabsoomayo doorashada Afhayeenka.
Guddiga ayaa sheegay Isniinta soo socta bishuna ku beegan tahay 9-11-2015 la qaban doono doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka galinta danbe ee maalintaasi, waxayna ku war galiyeen murashaxiinta xilkan doonaya iyo qaybaha kala ee Baarlamaanka.
Ilaa iyo hadda Cabdixakiin Dhooba-dareed, Axmed Cali Xaashi iyo Maxamed Axmed ayaa xilka gudoomiyaha Baarlamaanka isku soo taagay, waxayna dadku aad u xiisaynayaan cida hoggaamin doonta baarlamanka.
FAALLOOYIN & FALCELIN