Barlamaanka Puntland oo go’aamo ka soo saaray meqaamka Muqdisho (Akhriso)

HomeUncategorized

Barlamaanka Puntland oo go’aamo ka soo saaray meqaamka Muqdisho (Akhriso)

Baarlamaanka Puntland ayaa kulan maanta uu yeeshay ayaa loogaga hadlay Arrimaha doorashada,Mataalada Gobolka Banaadir iyo xeerarka ay an sixiyeen Xild

Caawa & Daljir – 23 Febraayo 2017
Taliyaha ciidanka bilayska Galkacyo oo is-casilay. Dhegaysi …
DHEGEYSO-Maanta iyo Qardho iyo Maanka dadweynaha.

Baarlamaanka Puntland ayaa kulan maanta uu yeeshay ayaa loogaga hadlay Arrimaha doorashada,Mataalada Gobolka Banaadir iyo xeerarka ay an sixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

War-Saxaafadeedka ka kooban 13 qodob ayaa qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah aysan Puntland marnaba oggolaanayn Xeerarka doorashadooyinka oo ay ansixiyeen Xildhibannada Golaha Shacabka.

Golaha Wakiilada Puntand ayaa waxaa ay sidoo kale ka soo horjeesteen matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare laga siiyay 13 Xubnood.

“Gobolada Banaadir, Sool iyo Sanaag ay xaq u leeyihiin inay helaan matalaada Aqalka sare,iyada oo loo marayo hab raacsan dastuurka dalka.”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay Golaha Wakiilada Puntland;