HomeUncategorized

Bankiga magaalada Galkacyo oo ka digay mar kale isticmaalka lacago been abuur ah oo kusoo badanaya suuqyada magaalada Gaalkacyo

Galkacyo,Jan 11 -Lacago been abuur ah oo soo galay magaalada Galkacyo ayaa waxa ay ku faafeen suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo,taasi oo dhawaan uu ka digay mamulka gobolka uuna sheegay inay cawaaqib xun ku yeelan karto suuqyada Galkacyo.

AU troops in new offensive against Shebab
Kaluumaysatada Puntland oo ka cabanaya Xaalufin lagu hayo badda.
Dhagayso Warkii Caawa ee Radio Daljir Khamiis 24 – March – 2016 Wariye Jaamac Cabdiraxmaan Axmed (Studiyo Daljri Garowe)

Galkacyo,Jan 11 -Lacago been abuur ah oo soo galay magaalada Galkacyo ayaa waxa ay ku faafeen suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo,taasi oo dhawaan uu ka digay mamulka gobolka uuna sheegay inay cawaaqib xun ku yeelan karto suuqyada Galkacyo.

Gudoomiyah bankiga dawladda Puntland laantiisa Galkacyo C/laahi Cali Bare ayaa sheegay in dawladu aysan jirin wax lacago oo ay soo daabacday,ayna tahay lacagaha cusub ee soo galay magaalada Gaalkacyo inay yihiin lacago been abuur ah.

Maamulka bankiga Puntland ee Gaalkacyo waxaa uu sheegay inay lacago cusub oo lasoo daabacay islamarkaana lagu badalay lacagihii faalsadaha ahaa ee dhawaan suuqa lasoo galiyay kadib markii ay shacabku fahmeen inay yihiin lacago been abuur ah.

Maamulaha bankiga Gaalkacyo C/laahi Cali Bare ayaa sidoo kale ka digay hadii bulshada magaalada Galkacyo ay ka dhaga adeegto dalabka ka imaanaya bankiga iyo dawladda ee ku wajahan isticmaalka lacagtan inay keeni karto dhibaatooyin dhaqaale iyo sicir barar dalka oo dhan saameeya.

Dawladda ayaa waxaa ay qaadatay in qofka wata lacagta been abuurkaa ay ka reebto ayada oo aan ilaa hada aysan jirin qof loo xiray iyo cid loosoo qabtay inuu isticmaalayo lacagtaasi.

Bashiir Ahmed Abdi
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: