Axmed Madoobe oo soo dhaweyeey ansixinta heshiiska doorashada

HomeWararka

Axmed Madoobe oo soo dhaweyeey ansixinta heshiiska doorashada

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhaweeyay Ansixinta heshiiska Doorashooyinka ee labada Aqal ee Baarlamaanka

Wasiirka Cusub Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya oo xilka la wareegay
Warbixinta Maxamed Cali Bile iyo wararkii ugu danbeeyey ee Laascaanood
Qaramada Midoobay oo ku baaqday in la sii wado shirka Teendhada Afisyoone ee DFS iyo Dawladaha Xubnaha ka ah (Akhriso)

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhaweeyay Ansixinta heshiiska Doorashooyinka ee labada Aqal ee Baarlamaanka ay maanta meel mariyeen.

Waxaa uu sheegay inay tani dhabaha u xaarayso in la sii dardar galiyo shaqooyinka dhiman iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimada uu dalkeenu u leeyahay qabashada Doorashooyinka heer Federaal afartii sanaba hal mar.

“waxaan rumaysanahay in ay maanta labada aqal ee Baarlamaanku gaareen go’aan Tariikhi ah oo fursad inoo siinaya in aan sii amba qaadno waxyaabaha dhiman si Doorashadu ay ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu qanacsan yahay taas oo ah arin soo socotay Sanadahii lasoo dhaafay ee dib u dhiska Dowladnimadeena ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Waxaa uu intaas ku daray in loo baahan yahay wada shaqayn buuxda iyo dadaal hagar la’aan ah oo dhamaan dhinacyadu ay u dhan yihiin si loo wajaho mustaqbalka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ugu mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka labada Aqal ee JFS go’aanka Tariikhiga ah ee ay maanta gaareen taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay in laga dhabeeyo rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan sidii dalka ay uga dhici lahayd Doorasho heshiis lagu yahay.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: