Aqoonyahan Shirwac “Xuduudka Somaliland wuxuu noqonayaa Laag iyo Ceeldaahir” (dhegayso)

HomeWararka

Aqoonyahan Shirwac “Xuduudka Somaliland wuxuu noqonayaa Laag iyo Ceeldaahir” (dhegayso)

Aqoonyahan Cabdirisaaq Xaaji Cali "Shirwac" oo deggan wadanka UK,  kana faalooda siyaasadda Puntland gaar ahaana gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay

Isbitaalka Al-Marzouq ee Bosaso oo qabtay kulan wacyigalin ah (daawo)
“XASAN SHEEKH HAL TALLAABO OO UU KAGA HORTAGAYO DAMACA ITOOBIYA KAMA QAADIN GUDAHA DALKA,” AQOONYAHAN XASAN CABDI CAYNAANSHE
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Xuduudka Somaliland sheegato

Xuduudka Somaliland sheegato

Aqoonyahan Cabdirisaaq Xaaji Cali “Shirwac” oo deggan wadanka UK,  kana faalooda siyaasadda Puntland gaar ahaana gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa sheegay in isbadal uu ka hanaqaaday gobolka Sanaag, kadib markii ciidamadii daacadda u ahaa Somaliland ee kasoo jeeday gobolka Sanaag ay isaga soo baxeen maamulka Somaliland.

Waxaa uu tilmaamay arrintaasi oo sababteedu ahayd kadib dagaal maamulka Somaliland uu iclaamiyay in lagu qabto magaalada Baran oo maamulka Somaliland uu wax awood ah ku lahayn, taasi oo ciidamadii deegaankaasi ay ka diideen, iyagoona kusoo biiray ciidamada gobolka ee Puntland.

Waxaa uu sheegay aqoonyahanku tan iyo xiligii isbadalka uu ka hanaqaaday gobolka Sanaag oo ay shacabku ay cadeeyeen inaysan la dhacsanayn siyaasad ahaan maamulka Somaliland oo ay yihiin Puntland, maamulka Puntland looga fadhiyay in awooddiisa maamul uu ku baahiyo gobolka, taasi oo xiligaan uu sheegay inaanay muuqan.

Waxaa uu xusay haddii Puntland aysan ka faa’iidaysan isbadalka hadda kana hanaqaaday gobolka Sanaag ay sababi karto in maamulka Somaliland uu mar kalle ka faa’iidaysto shacabka gobolka oo uu kala furfuro odayaasha dhaqanka, taasi oo keeni karta ugu dambayntii inay yimaadaan xuduudka ay sheegtaan oo ah garroonka diyaaradaha ee Bosaso iyo deegaamada Laag iyo Ceeldaahir oo keeni karta in gabi ahaanba la kala jaro magaalooyinka Bosaso iyo Qardho.

Aqoonyahan Cabdirisaaq Xaaji Shirwac

Aqoonyahan Cabdirisaaq Xaaji Shirwac

Gen. Nuux Taani oo ah taliyaha ciidamada militariga ee Somaliland ayaa horay xiligii ay gacanta ku dhigayeen Tukaraq sheegay in maamulkooda ku qaadatay Tukaraq inay soo gaaraan labaatan sano, waxaana uu xusay inay ku jihaysanyihiin xuduudka Ingiriiska dhulkii uu gumaystay oo la yiraahdo Yoocada oo u dhow kantoroolka Garoowe.

Waxaa xusid mudan ciidamada Somaliland iyo Puntland sanadkii 2004tii inay isku horfadhiyeen deegaanka Aricadeeye oo katirsan gobolka Sool, taasi oo aad uga sii durugsan magaalada Laascaanood, balse wixii markaasi ka dambeeyey siyaasadda Puntland ay noqotay mid aan ku fadhin mab da’ iyo dan guud oo ay noqotay maamuladii kalle ee isaga kala dambeeyey inay ka fakeraan dano dhow.

Khariiddadda Soomaaliya

Khariiddadda Soomaaliya

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: