Al-Shabaab oo weerar sababay dhimasho & dhaawac ka fuliyey degmada Balcad

HomeWararka

Al-Shabaab oo weerar sababay dhimasho & dhaawac ka fuliyey degmada Balcad

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa Ururka Al-Shabaab ka fuliyey degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan

Xasan Jabhad: “Madaxda Dawlad Deegaanka Soomaalidu dad awood leh ma aha, waa dad hoosjoogayaal ah”
Warka DDM iyo Wariye Xaawo Axmed Maxamed (Daawo)
QARDHO: Ganacsatada oo ka cabanaya Canshuur kordhin dowladdu ku samaysay (Daawo)

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa Ururka Al-Shabaab ka fuliyey degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday bar koontarool oo ku taalla degmadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka fuliyey in ay iska soo dhigeen dad shacab ah, isla-markaana ay soo raaceen gaari rakaab ah, iyaga oo kadib rasaas ku furay askartii ku sugneyd goobta.

Ugu yaraan lix askari ayaa ku dhintay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Xaaladda ayaa haatan deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: