HomeUncategorized

Afartii wasiir ee shalay ay u yeereen mudanayaasha baarlamaanka Puntland oo maanta hortagay golaha, is-difaacay, iyo xildhibaannada oo isku raacay in la saamaxo.

Caption ...

Kenya oo ciidamo ku daabulaysa Koonfurta Somalia, si ay u ugaarsato kooxihii afduubashada ka geaystay dalkeeda.
Jaamacada Bariga Africa oo laga furay Buuhoodle. (Sawiro)
Yusuf Indhacadde, wasiiru dawlaha gaashaandhiga ee dawlada federaalka ah, oo ka badbaaday isku day dil.

Garowe, Dec 13 ? Waxaa maanta golaha wakiillada Puntland hortagay wasiirro ka mid ah xukuumadda Puntland kuwaasi oo shalay mudanayaashi eedayn u soo jeediyeen kaddib lagu war-galiyey in ay ka soo xaadiraan xarunta baarlamaanka.

Wasiirrada baarlamaanku dalbatay ayaa saaka si rasmi ah u hortagay wakiillada Puntland, iskaga difaacay eedaynta loo soo jeediyey oo ku qotantay ku xad-gudub xagga sharciga sida xildhibaannadu sheegeen taasoo ka soo hulaaqday sharci lagu mamnuucayey gudniinka fircooniga ah oo galaha xukuumadda dhawaan ansixiyeen.

Xubnaha xukuumadda ee golaha looga yeeray ayaa kala ahaa wasiirka haweenka marwo Caasho Geelle Diiriye, wasiirka waxbarashada Cabdi Faarax Juxaa, wasiirka dekedaha Siciid Maxamed Raage iyo wasiiru-dawlaha is-kaashiga xiriirka caalamka C/qaadir Xaashi, kuwaasi oo maanta golaha hortiisa ka muujiyey eedaynta wakiilladu in aysan xaqiiqda ku qotomin, si waadax ahna u muujiyey halka is-dafah darradu ka aloosantay.

Wasiirrada ayaa sheegay in uusan jirin wax dambi ah oo ay galeen iyo xad-gudub sharciyeed oo ay ku tallaabasadeen midna, iyagoo habkii ay ugu olaleeyeen arrimaha loo haystana raalli-galin ka bixiyey, waxaana kaddib is-difaacaddaasi oo qodobaysneed baarlamaanku galay dood dheer oo aad u kululayd oo ku aaddanayd sida laga yeelayo wasiirradaasi.

Mudanayaasha ayaa wakhti badan oo ay falan-qaynayeen dooddaasi go?aamiyey in la iska-daayo mooshinkaasi ka dhanka ahaa wasiirrada arrintaasi cod loo qaaday kaddibna la ansixiyey qorshe lagu masaamaxayo wasiirrdaasi.

Afarta wasiir oo khudbado ay isku-difaacayeen oo aad u dhaadheeree halkaasi ka jeediyey ayaa sheegay xukuumaddu in ay udub-dhaxaad u tahay dhawrista iyo illaalinta sharaciga iyo qawaaniinta dalka u yaall, marnabana aysan suurgal ka ahayn ku tumasho sharaciyeed, iyagoo sheegay faham aad u khaldan in laga qaatay nidaamkii la xiriiray gudniinka hablaha iyo qaabkii loo maareeyey maalmihii xuquuqda iinsaaka oo qayb ka ahayd eedayn wakiillada marka la fiiro bannaanbax maalinta baaqa caalamiga ah ay wasaaradahaasi u sameeyeen.

Guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa ku dhawaaqay golaha wakiilladdu in ay cod-aqlabiyad ah ku saamaxeen afartaasi wasiir kaddib markii ay raalli-galin ka bixiyeen arrimihii loo haystay, taasoo ay u codeen 38 mudane ka tirsan wakiillada Puntland.

Shalay ayey ahayd markii mudanayaal ka tirsan golaha baarlamaanka Puntland ay xildhibaanada horgeeyeen mooshin ka dhan ah dhawrkaasi wasiir, iyadoo markaasi kaddibna guddoonka baarlamaanku uu ku dhawaaqay wasiirradaasi in ay hortimaadaan xildhibaannada.

Xildhibaan Siciido Geelle Diiriye oo dooddii baarlamaan ee shalay ka hadashay ayaa tilmaantay wakiilladu in ay indhaha ka daboolanayaal waaqiciga dalka ka jira, ayna iska mashquulinayaan waxyaabihii uu waaweynaa ee looga fadhiyey in ay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa, iyadoo soo hadal qaaday ammaanka Puntland iyo wax-ku-oolka kala duwan ee lagu laynayo magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Arrinta u yeeridda wasiirka la xiriirka xagga sharciga gaar ahaanna mamnuucidda gudniinka hablaha, ayaa ahayd arrin soo boodda ah oo aan horay loo hayn hugunkeeda iyo hadal-haynteeda midna, waxaana dadka reer Puntland maankooda ka guuxaysay haddii uu yimaado la xisaabtan xukuumadeed wakiilladu in ay ahmiyadda siinayaan arrimaha amniga oo ah baahida ugu weyn ee shacabka Puntland uu qabo.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: