Madaxweynaha Jubbaland oo guddoomiyey Kulan looga hadlayay Amniga

HomeWararka

Madaxweynaha Jubbaland oo guddoomiyey Kulan looga hadlayay Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka bilaha ah ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaa

Faahfaahin: Qarax ismidaamin ah oo ka dhacay Baladweyne & Saraakisha oo Daljir la hadlay
R.W Ku-xigeenka oo Itoobiya uga qeyb galaya xuska maalinta Qowmiyadaha
Shil Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Bartamaha Bossaso (Sixitaan, Masawiro & Waraysi)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka bilaha ah ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo bishiiba mar la qabto.

Kulankan waxaa ka qayb-galay Madaxweyne ku xigeenka koobad Maxamuud Sayid Aadan iyo xubnaha golaha Xukuumada ee golaha amniga katirsan Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland Ciidamada Xooga dalka iyo AMISOM iyadoo diirada lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ugu weyntahay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada.

Waxaa kale oo kulankan lagaga hadlay sidii loo balaarin lahaa xarunta wadaaga xogta taas oo wax badan ka taraysa isku xirnaanta dhinacyada kala duwan ee helista xogta cadowga.

Ciidamada AMISOM ayaa la isku raacay inay tagaan furimaha hore ee ay ka howlgalaan Ciidamada Jubbaland si ay kaalintoodu u noqoto mid wax ka tarta kaalmada ay u baahan yihiin Ciidamada Jubbaland oo ka howlgala inta badan deegaano aanay joogin Ciidamada AMISOM.

Diwaanka
Wararka Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: