Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka dalka Ingiriiska

HomeWararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka dalka Ingiriiska

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta oo Isniin ah waxaa uu xafiisk

“Waxka badalka Dastuurka waxaa ka horeeya Amniga iyo Wadatashi Guud,” Siidow Macalin Siidow
Ra’iisul Wasaare Khayre: “Dhamaystirka dhismaha Galmudug waxay fursad inoo siineysaa dhameystirka dagaalka aan kula jirno khawaarijta, iyo inaan dalka ka xoreeyno”
Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS oo dhuusomareeb kulamo kula leh Madaxda Galmudug

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta oo Isniin ah waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender Obe.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa waxay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal,iyada oo Safiirkana uu Guddoomiyaha warbixin ka siiyay howlaha baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka wadaan.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr. Ben Fender Obe ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya u sheegay in Dowladda Ingiriiska ay bogaadineyso howlaha ay golaha shacabka hayaan,wuxuuna sidoo kale tilmaamay ka Dowlad ahaan ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa uga mahad celiyay Dowladda Ingiriiska taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Diwaanka
Wararka Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: