Odayaasha dhaqanka gobolka Sitti oo sheegay in uusan jirin heshiis dhexmaray Soomaalida & Canfarta

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Odayaasha dhaqanka gobolka Sitti oo sheegay in uusan jirin heshiis dhexmaray Soomaalida & Canfarta

Oday-dhaqameedka iyo waxgaradka gobolka SITTI ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) oo maanta shir degdega ku qabtay ismaamulka magaalada Diradhawa aya

Damaca Itoobiya ee Dekadda Saylac?
Golaha Wasiiradda DDS oo kala diray Ciidamadda Liyuu Booliska
Itoobiya & Soomaalida Xilalka ay ka heshay Xukuumadda uu soo dhisay Abiy Axmed!! (Sawirro)

Oday-dhaqameedka iyo waxgaradka gobolka SITTI ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) oo maanta shir degdega ku qabtay ismaamulka magaalada Diradhawa ayaa shirkooda ku caddeeyey in heshiiska la sheegay in Canfarta iyo Soomaalida ay u kala saxiixeen labada Madaxweyne ee Soomaalida iyo Canfarta uu ahaa mid la mala-awaalay oo waxba-kama-jiraan ah.

Odayaasha oo xaqiijinaya in heshiiska labada Madaxweyne ka dhawaajiyeen uu yahay waxba-kama-jiraan ayaa sheegay in uu wali socdo xasuuqii ay Canfartu ku haysay shacabka gobolka Sitti, gaar ahaan deegaanada Cadayti, Garbociise, Cundhufo iyo Danlahelay.

Odayaasha ayaa sii raacshay in maantadan oo u dambeysey ay Canfartu weerar ku soo qaadeen degmooyinka Afdam iyo Maiso ee gobolka Sitti.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir DDS

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: