Wasiir Sabriye: “Dhaqanka Ahlusuna ka muuqdo waa dib u noqosho, ha sababina in aad Galmudug Fashilisaan”

HomeWararka

Wasiir Sabriye: “Dhaqanka Ahlusuna ka muuqdo waa dib u noqosho, ha sababina in aad Galmudug Fashilisaan”

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa uga digay Ahlusuna inay fashiliyaan hannaanka geeddi socodka dhismaha Maa

RW Khayre oo guddoomiyay shirarka tubaha Dhaqaalaha iyo amniga
YAMAN: Maxkamad dil ku xukuntay Donald Trump iyo Maxamed Bin Salmaan
Musharax Madaxweyne PL 2019 Siciid Cali Axmed Qurbaawi oo ka hadlay Qorshihiisa Musharaxnimo (dhegayso)

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa uga digay Ahlusuna inay fashiliyaan hannaanka geeddi socodka dhismaha Maamulka Galmudug.

Mr Sabriye oo xalay ka hadlayay magaalada Guriceel ayaa sheegay in sida ay haatan wax u wadaan Ahlusuna aanay ka turjumeyn arrimihii masiiriga ahaa ee go’aanka laga gaaray.

“Waxa aan arkeyno maanta ma ahan Ahlusuna sidii aan ku soo wada bilownay, kama turjumeyso arrimihiisa masiiriga ahaa ee aan go’aanka ka gaarnay, Umadda Galmudug u sheegnay, waa dib u noqosho Dhaqanka Ahlusuna ka muuqdo waa dib u noqosho, waxaa leenahay walaalaheena ha bariiqanina jid fiican ayaa ku taagneyn, ha sababina idinkoo mid yar idin gaar ah meel ciriiri ah ku jirta labadaan farood ku raadinaya in aad Galmudug fashilisaan”ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Waxaa uu sheegay in ka dowlad ahaan ay ka shaqeynayaan in wanaaggii la wada bilaabay lin agu wada noqdo, isla markaana tabashooyinkooda ay kala fariistaan.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: