RW khayre oo qaabilay Wafdi Ka socda Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika

HomeWararka

RW khayre oo qaabilay Wafdi Ka socda Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda qaramada midoobay iyo midawga Afrik

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika
MAANHADAL: Dhibaatadu Ayaxa ku hayo degaanka & cabashada Beeralayda (dhegayso)
Gudoomiyaha Degmada Saaxo, “Iska Hor-imaadkii Galdogob Waxaa Ka Dambeeyey Rag Cabsan” (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda qaramada midoobay iyo midawga Afrika oo maanta booqasho ku yimid dalka.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Amina Mohamed iyo ergayga gaarka ah ee midawga Afrika u qaabishan arrimaha haweenka nabadda iyo amniga, MMe Bineta Diop.

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga ka socday Qaramada midoobay iyo midawga Afrika oo ay goob joog ka aheyd wasiirka haweenka iyo xuquuqul Insaanka DFS, ayaa looga hadlay dhismaha nabadda, xallinta khilaafaadka iyo sare u qaadidda dowrka haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda.

Amina Mohamed iyo MMe Bineta Diop ayaa uga mahad celiyay soo dhaweynta, waxa ayna bogaadiyeen guulaha muuqda ee lagu tillaabsanayo ee dhanka amniga, dhismaha nabadda, xuquul insaanka iyo dhiirri gelinta haweenka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: