Duullaanka Canfarta, taageerada dowladda dhexe iyo dareenka bulshada gobolka Sitti  (dhegayso)

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Duullaanka Canfarta, taageerada dowladda dhexe iyo dareenka bulshada gobolka Sitti (dhegayso)

Ayada oo ay weli taagantahay colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Canfarta lana isku horfadhiyo goobo badan oo kamid ah gobolka Sitti, ayaa caawa waxaa

Dagmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxey (DDS) (Sawirro)
Jigjiga: Doorashada Itoobiya iyo walaaca bulshada (Warbixin)
TARIIKHDA FOG EE GOBOLKA DOOLLO SIIBA DEGMADA BOOKH &

Ayada oo ay weli taagantahay colaadda u dhexeysa Soomaalida iyo Canfarta lana isku horfadhiyo goobo badan oo kamid ah gobolka Sitti, ayaa caawa waxaa noo suurtagashay in aan waraysi la yeelano Soomaalida deegaanka Cundhufo iyo Dhunyar ee galbeedka gobolka Sitti.

Goobahaan ayaa ku dhawaad sagaal bilood oo xiriir ah waxaa ka socdo dagaalo u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta.

Qowmiyadda Canfarta ayaa waxa ay taageero ka helaysaa qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega, ayada oo ay qowmiyadahaas warbaahinta deegaanadooda ka wadaan isku dir bulsho oo si gooni ah u beegsanaya Soomaalida, kuna tilmaamaya in Soomaalidu yihiin dad ajnabi ah oo weerar ku ah dalka Itoobiya.

dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday dagaalada Canfartu ku hayso Soomaalida gobolka Sitti ayaa waxa ay maanta ka dhaceen magaalooyinka Jigjiga, Diridhabe iyo dhammaan degmooyinka gobolka Sitti.

Hoos kaga bogo waraysiga Radio Daljir ee dadka deegaanka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: