HomeUncategorized

(DHAGEYSO) DFS oo ka hadasay dagaalkii Halgan ka dhacay

Wasiika amniga qaranka iyo wasiirka gaashandhigga, Cabdirisaakh Cumar Maxamed iyo Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay saaka aroortii horre isku dayeen in ay soo weeraraan saldhig ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deeganka Halgan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dagaal ay kula jiraan Al-shabaab iyo arimo kale
Baahin: Arbaca, Mar 21, Axmed Jookar ~ Daljir ~ Bossaso. Ciidanka amniga ee Bossaso oo soo bandhigay walxaha qarxa & hub fudud oo ay qabteen; Maxkamada ciidanka qalabka-sida ee Puntland oo uga digtay ciidanku in ay qalab ciidan ku dhex qaataan magaalooyinka; Baydhabo oo bandhow lagu soo rogay; Wada-xaajoodkii ka socday gobolka Karkaar oo yididiilo laga muujiyey.
Wafti QM katirsan oo balanqaaday dardar galinta shaqooyinka isbitaalka guud ee Kismaayo

Wasiika amniga qaranka iyo wasiirka gaashandhigga, Cabdirisaakh Cumar Maxamed iyo Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay saaka aroortii horre isku dayeen in ay soo weeraraan saldhig ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deeganka Halgan.

Wasiirka gaashandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa isna sheegay in ilaa hadda inta la ogyaha dagaalkaas Shabaab looga dilay ilaa 120 dagaal yahano isla markaana hub iyo qalab kale laga qabsaday.

Wasiirka gaashandhigga Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ka dhacay Halgan dhinaca AMISOM iyo ciidamada Dowladda isku geyn dhaawac iyo dhimmasho ay ka soo gaartay ilaa 10 askari.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: