Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay shirka wadatashiga dhammeystirka Siyaasadda qaran ee deegaanka

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo furay shirka wadatashiga dhammeystirka Siyaasadda qaran ee deegaanka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta furay shir looga tashanayo dham

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo Newyork kula kulmay diblumaasiyiin
Warka Fiidnimo iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso/daawo)
Madaxweyne Farmaajo oo U Digey Xaaf iyo Gaas Safar Dhulka Ahna Ku Tegaya Galkacyo (Muuqaal)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta furay shir looga tashanayo dhammeystirka Siyaasadda qaran ee deegaanka oo qayb ka ah danta qaranka ee hir-gelinta deegaan nadiif ah, laguna saleeyay qorshaha horumarinta qaranka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa furitaanka shirka ka sheegay in Isbedelka cimillada adduunka, abaaraha, daadadka iyo xaalufinta deegaanka ay saameyn ku yeesheen dalka, ayna muhiim tahay in wadajir looga shaqeeyo horumarinta deegaanka.

Dhammeystirka siyaasadda qaran ee deegaanka oo qeyb ka qaadaneysa maamulka deegaanka, ayaa laga tala gelinayaa hey’adaha dowladda, aqoon-yahahnka iyo hey’adaha waxbarasha.

Hadafka siyaasaddaan ayaa ah in la hagaajiyo caafimaadka iyo tayada nolosha dadka Soomaaliyeed, lana dhiirri geliyo horumar waara iyada oo loo marayo maamulka khayraadka dabiiciga ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: