Xasan sheekh iyo sheekh shariif oo dhaliilay siyaasada dowladda

HomeWararka

Xasan sheekh iyo sheekh shariif oo dhaliilay siyaasada dowladda

Madaxweynayaashii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaalada

Boqor Burhaan oo Baaq Nabadeed u jeediyaay Beelaha Cagaare ku dagaalamaya (dhegayso)
Qaramada midoobay oo ka qeyb qaadanaysa gurmadka fatahaadda Webiyada Soomaaliya
Xisbiga Xasan sheekh oo ka hadlay xalaada jubbaland & doorashadda

Madaxweynayaashii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho waxayna ka hadleen siyaasadda dalka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay shirka iskaashiga oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan ahayn wax wanaagsan in shir u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo ay ka maqan yihiin Maamul Goboleedyada la qabto.

“Marnaba dalkan dhibaatada ka jirta ka hadaliiisa ugama hari doono Wiilal yar yar oo masaakiina oo qurbaha jooga ama lamarin habaabiyey ee caaytamaya,aana wadeynaa waxa aan xaqa u leeyahay ayuu yiri” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dalkaan ay ku dhex-jiraan laba cadow oo kala ah Shabaab iyo Dowladda, waxana uu ku tilmaamay wasiirada dowlada kuwo aan ka hadli karin xaq iyo wixii jira.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka jaraaid ka hadlay ayaa ka hadlay arrimaha Kismaayo waxana uu xusay in Shariif Sheekh Axmed uu safarkiisii Kismaayo ahaa mid lagu doonayay in lagu dhagaysto tabashada Jubbaland iyo shacabkeeda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: