ARDAA Xalqaddii 61aad:Dulucda  Shirkii Maagashiga Puntland iyo Ahmiyadda Durugsan ee laga leeyahay.

HomeWararkaARDAA

ARDAA Xalqaddii 61aad:Dulucda Shirkii Maagashiga Puntland iyo Ahmiyadda Durugsan ee laga leeyahay.

Xukuumadda Puntland ee uu hoggaayo madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni, bilawgii la wareegiddeeda talo iyo tartankii doorasho ee ka horreeyeyba, waxaa

ARDAA- Xalqadii 14aad
ARDAA Xalqaddii 43aad: Puntland Maxaa ka Hortaagan in ay Gaarto Nidaamka Asxaabta Badan? (dhegayso)
ARDAA Xalqaddii 62aad: Dimuqraadiyadda Puntland iyo heerka bisayl ee bulshada (dhegayso)

Xukuumadda Puntland ee uu hoggaayo madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni, bilawgii la wareegiddeeda talo iyo tartankii doorasho ee ka horreeyeyba, waxaa jira qodobo macayin ah oo u meelaysnaa, kuwaasi oo ahaa habka wajidda hormarinta Puntland.

Qodobadaasi waxaa ka mid ahaa midka maalgashiga Puntland iyo bandhiggiisa si ay uga faa’idaystaan fursadaha bannaan maalqabeennada Soomaaliyeed, kuwa caalamka iyo dawladaha daneeya Soomaaliyaba.

Makii ugu horraysay ayay si rasmi ah Puntland u daahfurtay madasha maalgashiga Puntland, waxayna Puntland bandhigtay iliilaha bannaan ee addun dhaqaale oo looga faa’idaysto u baahan, waxaana bandhiggeeda oo shir weyne ahaa daahfuray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, kaqaybgalkiisana waa ku sugnaa kuxigeenkiis Axmed Cilmi Cismaan, guddoonka Baaralamaanka, madaxda hay’adaha kala duwan ee dawladda, xeeldheerayaal cilmi, khuburo dhaqale, shirkado ganacsi oo iskugu jira kuwo maxalli ah iyo kuwo caalami ah, wax-ku-ool badan oo bulsho iyo wakiillo dawladeed.

Barnaamijka Waxaa soo jeedinaya Wariye Cabdifataax Cumar Geedi,waana Xaqladii 61-aad.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: