Taliska Sare ee AMISOM oo ka shiray dagaalka ka dhan ah Shabaab

HomeWararka

Taliska Sare ee AMISOM oo ka shiray dagaalka ka dhan ah Shabaab

Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta kulan ku yeeshay saraakiil uu horkacayay Taliyaha Qaybta 21aad General C/Casiis Cabdullaah

Amaanka Madaxtooyada oo aad loo adkeeyay weerarkii Hotel SYL kadib
Maanhadal: Dhismaha Dekadda Bossaso & Isfahamwaa Aloosan (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Jaamac Cabdiraxmaan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta kulan ku yeeshay saraakiil uu horkacayay Taliyaha Qaybta 21aad General C/Casiis Cabdullaahi (Qooje) & Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya.

Kulanka oo ka dhacay Xerada AMISOM ee Baladweyn ayaa waxaa qeyb ka ahaa Saraakiil ka Tirsan Taliska Qaybta 27aad ee XDS,waxaana diirada lagu saaray sidii AMISOM iyo Ciidamada xooogga dalka Soomaaliya ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka Al-Shabaab.

Taliyaha Qaybta 27aad Cabdul Casiis Qooje ayaa AMISOM kaga warbixiyay Howlaha ay qaybtu ka wado Galmudug iyo qorshaha isku xirka Howlgallada ee Dowladu qorshaysay si loo Wiiqo awooda Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa dhankooda waxaa ay Amaaneen booqashada Taliska 21aad ee Baladweyn iyo Howsha qaybta oo dardar ku socota tan iyo Magacaabistii Taliska Cusub ee qeybta 21aad.

Saraakiisha uu horkacayo Taliyaha Qaybta 27aad Cabdul Casiis Qooje ayaa Baladweyne waxaa ay u tageen inay ciidamo ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle u qaadaan Magalada Dhuusamareb,hayeeshee qorshahaas lag diiday.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa Saraakiisha Xoogga Dalka Qaybaha 21-aad iyo 27-aad , Madaxweynaha Hirshabelle Waare , Madax Dhaqan , Masuuliyiinta Heer Gobol iyo Degmo ee Hiiraan iyo Baladweyn iyo Saraakiisha sare ee AMISOM.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0