Maxay ka wada hadleen  Axmed Karaash iyo Madasha Guddiyada Dastuurka dalka?  (Sawiro)

HomeWararka

Maxay ka wada hadleen Axmed Karaash iyo Madasha Guddiyada Dastuurka dalka? (Sawiro)

Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan xog waraysi ah waxa uu la qaatay Ma

Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso (dhegayso)
“Puntland meel ay ku tiri ka qeybgalimayno dagaalka ma jirto ‘Xoog iyo xoolo waxa baxaya Puntland
Guddoomiyaha degmada Towfiiq oo Daljir uga waramay dagaalka ka socda Afbarwaaqo (dhegayso)

Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan xog waraysi ah waxa uu la qaatay Madasha Guddiyada Dastuurka dalka, kuwaasoo maalamahan uu shir uga socday magaaaladda Garoowe.

Kulankan Cashada ah ee Madaxweyne ku xigeenku u sameeyay Madasha Guddiyada Dastuurka oo uu hogaaminayo Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid, waxaa ka qeybgalay ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland ahna Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash oo khudbad kooban halkaasi ka jeediyay ayaa amaanay dadaalka socda ee lagu qabyo-tirayo Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Puntland diyaar u tahay marteglinta kulan kasta oo la’isugu soo dhoweynayo Ummada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay fidsantahay gogoshii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

DHAMAAD.





COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: