Basaasiin Al-shabaab ah oo lagu qabtay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug

HomeWararka

Basaasiin Al-shabaab ah oo lagu qabtay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa saaka hawlgal qorshaysan ka wada deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu qabtay dad la sh

Taliyaha Ciidanka Xogga oo la kulmay Saraakil Taliyaani ah (Sawiro)
Wacaal Darey ah: Diyaarad Ciidan siday oo maanta ka dagtay Dhuusa Mareeb iyo Ra’iisul Wasaare kheyre oo ku soo wajahan
Guddoomiyaha degmadda Xarfo oo sheegay inuu xanuunka COVID-19 uu saamayn ku yeeshay Bulshadda (dhegayso)

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa saaka hawlgal qorshaysan ka wada deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu qabtay dad la shaqaynayey maleeshiyada Al-shabaab.

ciidamadan oo beegsanayey bartilmaameedyo gaar ah ayaa Saaka waaberigii galay deegaankaasi,kuwaad oo qabtay sadex nin oo la shaqaynayey maleeshiyada xagjirka ah ee Al-shabaab.

Hawlgalka oo wali socda ayay ciidamadu ku baarayaan xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo 85-km woqooyi galbeed ka xigta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Gudoomiyaha deegaanka Camaara Sh Yuusuf Salaad ayaa sheegay in hawlgalka weli uu ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad basaas u ahaa argagixisada iyo kuwo kale.

Qaybta 21-aad ee xoogga dalka oo dhawaan lagu sameeyey isbadal xagga hogaanka ah ayaa qaybo ka mid ah Mudug iyo Galgaduud ka wada hawlgallo lagula dagaalamayo kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: