HomeWararka

DFS oo ku baaqday shir dib u heshiined oo lo qabto Jubbaland

Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa War saxaafadeed ka soo saartay doorashada Jubbaland, iyadoo mar kale ku celisay

Dowladda New Zealand oo joojineysa hubka ciidamada oo ay isticmaalaan rayidka
Madaxweyne xasan Sheekh oo magacaabay Saddex lataliye
Muuqaalka Bulshada: Balan qaadka dowladda dhexe ee waxbarashada lacag la’aanta ah (dhegayso)

Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa War saxaafadeed ka soo saartay doorashada Jubbaland, iyadoo mar kale ku celisay in aan la aqbali doonin natiijo kasta oo baalmarsan dastuurka oo ka soo baxda.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku taariikheysan 17 bisha Agosto ayaa ku soo aaday, saacad kaddib markii Kismaayo ka dhacday doorashada Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Jubbaland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay habraacyada loo maray xulista Odayaasha dhaqanka iyo soo xulista Golaha Wakiilada Jubbaland ay yihiin kuwo aan loo marin dariiq sharci ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in doorasho kasta oo ku dhacda oo sifo baalmarsan dastuurka Federaalka ay yihiin Waxba kama jiraan.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa ku baaqday in la qabto shir dib u heshiisiin dhab ah oo ay ka qeyb galaan dhammaan bulsho weynta Jubbaland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: