Saraakisha Ciidanka DFS oo ka hadlay weraarkii Aw-Dheegle

HomeWararka

Saraakisha Ciidanka DFS oo ka hadlay weraarkii Aw-Dheegle

Taliyaha Ciidanka Lugta General Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay dagaal maanta ka dhacay degmada Aw-Dheegle ee gobolka Sh/hoose kaasoo u dhexeeyay c

Madaxweyne Xaaf: “Wax badan ma aanan maqneyn xoogaa yar oo kululeysi ayay aheyd, Galmudug waa…”
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo ( dhegayso| daawo )
Ra’iisul Wasaare Rooble: “Xukuumaddu waxa ay go’aansatay in la guda galo hirgeelinta doorashooyinka dalka.

Taliyaha Ciidanka Lugta General Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay dagaal maanta ka dhacay degmada Aw-Dheegle ee gobolka Sh/hoose kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

General Odowaa ayaa sheegay weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab loogaga diley maleeshiyaad badan kuwaasoo uusan sheegin tiradooda balse sheegay in meydadka ay yaalaan goobtii uu dagaalku ka dhacay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay dagaalamayaal Al Shabaab ah lagu qabtay dagaalkaas saaka,balse ma sheegin taliyuhu qasaaraha soo gaaray ciidamada dowlada.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex askari ay ugaga dhinteen dagaalka ciidamada dowlada iyo weliba weriye sawir qaade ah oo lagu magacaabi jirey Gacal Cabdulle kaasoo u shaqeynayay idaacada codka ciidamada qalabka sida.

Hase yeeshee ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay weerarkan oo ku bilowday isqarxin ay ku dileen illaa konton askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlada Soomaaliya.

Weerarkan Al-Shabaab ay saaka ku soo qaadeen degmada Aw-dheegle ayaa yimid kadib markii ay dowlada federalka sheegtay in weerar gaadmo ah oo lagu qaaday kolonyo gelbineysay afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ay ku dhaawaceen afhayeenka isla markaan ay ku dileen inku dhow labaatan ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: