Madaxweyne Xaaf: “Wax badan ma aanan maqneyn xoogaa yar oo kululeysi ayay aheyd, Galmudug waa…”

Madaxweyne Xaaf: “Wax badan ma aanan maqneyn xoogaa yar oo kululeysi ayay aheyd, Galmudug waa…”

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Galmudug ay mid tahay oo aysan labo aheyn.

Axmed Xaaf oo ka hadlayay munaasabad soo dhoweyn ah oo u sameeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa sheegay inuu u tanaasulay danaha Galmudug, intii uu maqnaa ay wax yar oo kululeysi aheyd.

“Wax badan ma maqneyn xoogaa yar oo kululeysi ayay aheyd, saacaddaan laga bilaabo Galmudug waa mid, labo ma ahan, odayga waa tanaasulay hadana yaa la oran waa la tuuray”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Waxaa uu sheegay inuu sii joogi doono Galmudug oo aanu Muqdisho aadi doonin, kana shaqeyn doono dhismaha dekadaha iyo jidadka, isla markaana uu doonayo in lagu taakuleeyo.

Hoos ka daawo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com