Xaaladda dhaawacyada Qatar la geeyey

HomeWararka

Xaaladda dhaawacyada Qatar la geeyey

Dowladda Qatar oo horay loogu eedeeyey inay qayb ka tahay dowladaha Soomaaliya dhibaatada ka wada ayaa dalkeeda u qaaday dhaawacyadii qaraxii kadhacay

Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Xulashada Daljir | Hodan Cabdirisaaq | Daljir Garoowe
Haiti: Ra’iisul Wasaaraha oo ka badbaaday isku day dil

Dowladda Qatar oo horay loogu eedeeyey inay qayb ka tahay dowladaha Soomaaliya dhibaatada ka wada ayaa dalkeeda u qaaday dhaawacyadii qaraxii kadhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Dhaawacyada oo gaarayay 12 xubnood oo isugu jiray dhaawacyo hore iyo dhaawacyadii qaraxii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka ugu weyn ee dowladda Hamad General Hospital ee magaalada Doxa.

Dhaawacyada ayaa labo qeyb loo kala qeybiyay, qeyb dhaawacyada culus oo uu ku jiro Guddoomiye Eng, Yariisow oo la dhigay qeybta sare ee dhismaha Isbitaalka Hamad, halka qeybta kale la dhigay ee hoose.

Ehelada dhaawacyada ayaa la dejiyay Hotel ku dhow Isbitaalka, si ay xaaladooda ula socdaan, waxaana Safaaradda Soomaaliya ee Doxa ay qaabilsaneyd howlaha isku xirka ehelada iyo bukaanada.

Guddoomiye Yariisow ayaa hadda lala tacaalayaa xaaladdiisa caafimaad.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: